Waa maxay web desing?
Webdesing waa habka naqshadeynta iyo qorshaynta bogagga
internet ka, waxaa kamid ah qurxinta iyo qaabeynta bogagga si ay noqdaan kuwo
soo jiidasho leh, si ay u fududaato in
la isticmaalo oo uu u shaqeeyo si habsami leh, web desing waxay isku daraysaa
farshaxanka iyo technolgyada si loo abuuro khibrad wanaagsan oo loogu talagalay
istcimaalayaasha.
Sida loo barto web desing:
Haddii aad rabto in aad barato webdesing waa muhiim inaad ka
bilowdo asaasaaka oo aad si tartiib ah
ugu gudubto mowduucyo adag halkan waxaa ah talaabooyin fudud oo aad raaci
karto.
1. Baro aasaaska HTML iyo CSS: html ( hyper tex markup language) waa luudda
ugu muhiimsan ee loo isticmaalo in lagu qoro bogagga internetka, waxay dejisaa
qaabka iyo qaabdhismeedka bogga
CSS ( cascading style sheets) waa luuqadda loo isticmaalo in
lagu qurxiyo bogagga HTML, sida midabada farta iyo qaabka guud.
2. Baro javascrip:
waa luuqadda loo adeegsado in lagu daro is dhexgalka iyo firfircoonida
bogagga waxay ka dhigaysaa bogagga mid nool, sida sameynta muuqalada soo kala
baxa ama hawlgallada. Isticmaal.
3. La qabsasho qalabka iyo farsamada casriga ah: Responsive desing waa farsamo loo adeegsado in
bogagga lagu naqshadeeyo si ay ugu muuqdaan kuwo quruxsan oo sax qalab kasta
sida taleefannada gacanta iyo computerada.
Frameworks waxaa jira qalab fududeeya webdesing sida,
Bootstrap iyo foundation,kuwaas oo bixiya qaabab iyo naqshado horay u
diyaarsan.
4. isticmaal qalabka naqshadaynta: Baro sida loo isticmaalo
baraanamijyada naqshadeyn sida ADOBE XD
FIGMA ama SKETCH si aad abuurto
naqshado muuqaal ah oo bogagga internet ka ah.
5. Tababar iyo mashruucyo farsamo: samee mashruucyo ku
salaysan waxa aad baratay, ku celcelinta iyo khibrada dhabta ah waxay kaa caawinayaan
inaad hormarto oo aad barato xirfado cusub.
Wax yaabaha lagaaga baahan yahay:
1. Kartida xirfadaha technologyada: fahamka luuqadaha HTML, CSS iyo javascript, waa muhiim aqoon ku saabsan qalabka
naqshadeynta iyo softwre ka caadiga ah sida ADOBE XD FIGMA.
2. Xirfadaha
naqshadeynta: dareen wanaagsan oo loogu talagalay qurxinta iyo qaabka.
Fahamka qaabdhismeedka iyo isku dheelitirka midabada
farshanka iyo xirfadaha.
3. isku xirka iyo isgaarsiinta: kartida inaad lahadasho
macaamiisha si aad u fahamto baahidooda.
Kartida inaad si cad oo wax ku ool ah u muujiso
naqshadahaaga.
4. Cilmi baaris iyo hal-abuur: kartida inaad ku dabaqdo
fikradaha cusub oo aad ula jaanqado isbeddelada.
Awoodda aad u leeyahay in aad hal abuur u hesho
dhibaatooyinka naqshadeynta .
5. Tababr joogto ah: webdesign waa goob si joogto ah u
kobcaysa sidaas darteed waa muhiim inaad had jeer la socoto is beddellada cusub
iyo farsamooyinka casriga ah.
Comments
Post a Comment