waa maxay programming?
Progamming ( ama barnaamij-samaynta ) waa hab lagu abuuro
tilmaamaha ay ku shaqeeyaan computerrada si loo xalliyo dhibaatooyin gaar ah
ama loo fuliyo hawlo cayiman tilmaamahan, oo loo yaqaan barnaamijyo, waxaa lagu
qoraa luuqado gaara ah oo loogu talagalay in ay u turjumaan amarrada si
computerku u fahmo, luuqadaha barnaamij sameyntu waxay noqon karaan kuwa heer
sare ah sida Python, java, iyo c++ ama kuwo heer hoose ah sida assembly
language.
Siduu u shaqeeyo programming?
1. Kobciyaynta fikirka: marka hore barnaaji sameeyuhu wuxuu
keenayaa fikirad ama xal lagu talagalay dhibaato, tusaale ahaa hadii aad rabto
inaad dhisto app lagu ogaado heerkulka, waa inaad fahamto sida heerkulku loo
cabiro loona soobandhigo.
2. Qorista code-ka: ka dib marka fikradda lasameeyo waxaa la bilaabaa qorista amarrada
(code) lagu fulinayo fikraddaas, tani waxay noqon kartaa wax fudu sida ku qoris
heerkul buug ama wax adag sida dhisidda nidaam heer sare ah oo is dhexgal leh.
3.Tijaabinta iyo qallad-xallinta: kadib marka code-ka la
qoro waa in la tijaabiyaa si loo hubiyo in uu si sax ah u shaqaynayao, haddii
qalad ( bug ) la helo waa in la saxaa tani waa qayb muhiim ah oo kamid ah
barnaamij samaynta sababtoo ah qalad yar keeni kara in barnaamijku si sax ah u
shaqayn.
4. Turjumaad( compilation ) ama fasiraada ( interpretation)
code-ka waxaa lagu turjumaa luuqadda mashiinka si computerku u fahmo oo uu u
fuliyo luuqadaha barnaamijka samaynta qaarkood sida C++ waxay isticmaalaan
compiler si loogu turjumo koodhka halmar, halka kuwa kale sida python ay
isticmaalaan interpreter si ay koodhka u fasiraan oo u fuliso isla markiiba.
5. isticmaalka iyo horumarinta: mar haddii barnaamijka la
dhammeeyo, waxaa loo gudbiyaa isticmaalayaasha, kadib isticmaalka waxaa laga
yaabaa in loo baahdo in la hagaajiyo ama la kodhiyo fursadaha cusub iyadoo la
cusboonaysiinayo code ka.
Sidee loo bartaa progaramming?
1.Doorashada luuqada. Barnaamij sameynta, waxaa jira luuqado
badan oo barnaamijka –samayneed qaar ka mid ah kuwa ugu fudud ee lagu bilaabi
karo waa python iyo javaScript sababtoo ah way fududahay in la fahmo oo
taageero badan ayay leeyihiin.
2. ka qaybgal casharro iyo barnaamijyo: waxaa jira fursado
badan oo online ahiyo buugaag bixinaya casharro ku saabsan luuqadaha kala duwan
ee barnaamij sameynta baro aasaaska
luuqadda aad baratay sida loo abuuro xeerar loo xakameeyo socodka
barnaamijka loona isticmaalo.
3. Ku dhaqangeli: qor code aad u badan waxaad sameyn kartaa
mashruucyo yar-yar oo kusaabsan dhibaatooyinka gaarka ah si aad u kororsato
khibraddaada, tani waxay noqon kartaa wax sida abuurista website fudud ama
qalab yar oo xisaabeed.
4. baro dhaqanada wanaagsan: qaabka loo qoro code ka sida
loo naqshadeeyo barnaamijyada iyo sida loo xaliyo dhibaatooyinka ayaa muhiim
ah, waa muhiim inaad barato oo aad raacdo hababka ugu wanaagsan ee barnaamij
sameynta.
5. Ka qaybgal bulshada: Barnaamij sameeyayaasha, ku biir
forums kooxo online ah ama bulshada ka hadashada barnaamij sameynta si aad uga
hesho taageero iyo talooyin kuwa kale oo isla wadooyin haya ama isku group ah
Muhiimada programminka?
Progarammin waa xirfad muhiim ah oo looga faa`iidaysto
xallinta dhibaatooyinka dhabta ah iyo abuurista technologyada cusub si aad u
barato waa inaad doorataa luuqada aad ku bilaabi karto, aadna ku dadaasho inaad
sii wado safarkaaga barashada iyo horumarinta xirfadda loogu baahida badan
yahay maanta ee Programminka
Comments
Post a Comment