Graphic design ama naqshadaynta garaafku waa farshaxan isku
dara farsamada hal-abuurka iyo isgaarsiinta, si loo abuuro muuqaal macno leh oo
soojiidasho leh waa hab lagu cabbiro fikrado iyo macluumaad iyadoo la
adeegsanayo midab, sawir, qoraal iyo qaab dhismeedyo kala duwan.
Naqshadeeyayaasha garaafka waxay abuuraan naqshado kala
duwan si calaamadaha shirkadaha, xayaysiisyada, joornaalada, buugaagta,
shabakadaha, internet-ka iyo wax yaabo kale oo badan oo loo adeegsado isgaarsiinta
muuqalada.
Muhiimada graphic design:
Graphic design waa udub-dhexaadka isgaarsiinta muuqaalka,
kaas oo isku dara farashaxan iyo farsaamo si uu u abuuro farriimo soo jiidasho
leh, waxa uu kor qaadaa aqoonsiga sumadda waxay wanaajisaa is dhexgalka
isticmaalaha oo waxa uu fududeeyaa fahamka fikradaha adag haddii ay tahay
suuqgeyn daabacaada ama dijitalka ah, naqshadaynta garaafku waxay isku daraysaa
hab muuqaalka iyo shaqada shayga si ay ugu xidho dad weynaha hab muuqaal oo
xooggan oo wax ku ool ah.
Sida loo barto graphic design:
1. soo baro aasaasiga : fahamka mabaadi`da aasaasiga ah sida
midabada qaababaka iyo typography-ga waa lama huraan isticmaal ilaha bilaashka
ah sida, CANVA iyo BEHANCE si aad u barato iyo inaad
aragti ka hesho shaqooyinka farsamo yaqaanada kale.
2. Xulo
barnaamijyo tayo leh: ku tababaro barnaamijyada muhiimka ah sida, ADOBE PHOTOSHOP, ILLUSTRATOR iyo DESIGN, kuwani waa aaladaha muhiimka ah
ee wax lagu desingareeyo.
3. Ku dadaal
farsamadaada: samee mashruucyo badan oo gaar ah ama ku biir tartamada
naqshadaynta, tani waxay kor u qaadaysaa xirfadahaaga iyo aragtidaada
naqshadeynta.
4. Baro oo ka
faa`iidayso dadkale: raadi khabiirada iyo naqshadeeyayaasha ka sameeya yuotube
iyo coursera koorsooyin tayo leh oo bilaash ah ama lacag ah.
5. isku xir bulshada: ku biir bulshooyinka naqshadeynta ee
khadka tooska ah sida DRIBBLE IYO REDDIT
si aad u hesho ra`yi celin iyo
dhiirrigelin.
6. Samee
portfolio: ku soo bandhig shaqadaada ugu fiican bog gaar ah sida BEHANCE
ama ADOBE PORTFOLIO, si aad u soo
jiidato macaamiisha ama shaqo bixiyeyaasha.
Comments
Post a Comment