waa maxay cybersecurity?

 


Adduunka maanta ee tiknoolojiyada sare, amaanka xogta iyo ilaalinta macluumaadka waa arrimo muhiim ah oo loo baahan yahay in la fahmo, Cybersecurity ama amniga internetka, waa qodobomuhiima u ah qofkasta oo isticmaala qalabka elegtarooniga ah, ha ahaato ganacsi, hay”ad dowladeed ama shaqsiyaad caadi ah. Iyadoo teknoolojiyadu sii horumarinayso hanjabaadaha iyo weerrada internetka ayaa sidoo kale sii kordhaya taas oo ka dhigaysa in la fahmo lana adeegsado hababka ugu wanaagsan ee lagu ilaalin karo macluumaadka aad muhiimka u ah , dhiganahan wuxuu iftiiminayaa waa maxay cybersecurity, sababta ay muhiimka u tahay, iyo sida loo hirgaliyo istaraatiijiyad amni oo wax ku ool ah.

Waa maxay cybersecurity?

Cybersecurity oo af-soomaali ahaan loo yaqaan amniga internetka waa hababka, nidaamyada, iyo teknoolajiyadda loo adeegsado in lagu ilaaliyo nidaamyada elegtarooniga ah, shabakadaha iyo xogta ka dhanka ah weerarro internet ka , xatooyo iyo waxyeelo, Cybersecurity waxay ka koobantahay dhowr qaybood oo isugu jira farsamooyin iyo siyaasaddo, kuwaasi oo dhammaantood isku duuban si loo hubiyo amniga iyo sirta macluumaadka.

Qaybaha kala duwan ee Cybersecurity?

Cybersecurity waxay ka kooban tahay dhowr qaybood oo muhiim ah kuwaas oo isku dhafan si loo ilaaliyo xogta iyo nidaamyada, qaybaha ugu muhiimsan waxaa kamid ah.

1. amniga shabakadaha: farsamooyinka iyo tallaabooyinka loo adeegsado in lagu ilaaliyo shabakadaha kombuyuutarrada iyo xogta ku jirta ka dhan ah weerarro sida jabsashada iyo khatarta malware.

2. amniga barnaamijyada:  waa habka lagu hubinayo in barnaamijyada kombuyuutarrada ay yihiin kuwo ammaan ah oo aan lahayn nuglaansho laga faa”iidaysan karo.

3.  amniga macluumaadka: waa habka loo ilaaliyo xogta xaasaasiga ah, iyada oo la adeegsanayo farsamooyin sida sirta xogta iyo ilaalinta gelitaanka.

4. amniga hawlaha: waxaa loo la jeedaa hababka iyo siyaasadaha lagu ilaaliyo nidaamyada iyo xogta inta lagu jiro hawl-galka maalinlaha ah ee shirkadaha iyo hay”adaha.

5. amniga aaladaha mobilada: iyadoo isticmaalka aaladaha mobiladu uu sii kordhayo, amniga aaladahan ayaan noqday mid muhiim ah, iyadoo loo baahan yahay in la ilaaliyo xogta iyo barnaamijayada ku jira.

6. barashada iyo wacyigalinta: waa muhiim in shaqaalaha iyo isticmaalayaasha la baro sida loo ilaaliyo xogtooda iyo si loo aqoonsado khataraha suurta galka ah.

Hanjabaadaha cybersecurity?

Nidaamyada cybersecurity waxay la tacaalayaan hanjabaado kala duwan oo isagu jira kuwo farsamo kuwo bulsheed, qaar kamida ah hanjabaadaha ugub waaweyn waxaa kamid ah.

1. weerarrada phishing: kuwani waa isku dayo lagu khiyaameeyo dadka si ay u bixiyaan macluumaad xaasaasi ah sida erayada sirta ah iyo macluumaadka bangiyada iyadoo la adeegsanayo email ama fariimo been abuura ah.

2. malware:  waa software waxyeelo u gaysta kombuyuutarrda, kaas oo loo adeegsado in lagu xado xogta ama lagu burburiyo nidaamyada.

3. ransomware: waa nooc kamida ah malware oo xanniba xogta isticmaalaha ilaa laga bixiyo madax furasho.

4. DDOS ( DISTRIBUTED DENIAL OF SERVICE) weerarkaan wuxuu beegsadaa shabakadaha iyadoo la adeegsanayo tirada badan ee codsiyo si ay u gooyaan adeegyada shabakadaha .



Muhiimada cybersecurity?

Cybersecurity waxay muhiim u tahay dhawr sababood oo muhiim ah. Ugu horreyn, waxay ka hortagtaa xatooyada xogta iyo burburinta nidaamyada, taas oo muhiim u ah ilaalinta sirta iyo xasiloonida ganacsiyada iyo hay”adaha dowliga ah sidoo kale waxay ilaalisaa kalsoonida macaamiisha iyo isticmaalasha, maadaama dhacdooyinka amniga ay dhaawici karaan sumcadda shirkadaha iyo hay”adaha intaa waxaa dheer, waxay caawisaa in la yareeyo kharshayada la xiriira hanjabaadaha internetka kuwaasi oo noqon kara kuwo aad u sareeya haddii weerar dhaco.

Comments