sidee youtube lacag looga sameeyaa?

 


YOUTUBE waa mid kamida  madalaha ugu waa weyn ee loogu talagalay wadaagista fiidiyowyada , kaas oo sidoo kale fursad o badan u furaya abuurayaasha waxyaabaha si ay u sameeyaan lacag, haddii aad xiisaynayso inaad youtube ku noqoto xirfad sameeye ama si fudud uga hesho dakhli dheeri ah, waa muhiim inaad barato sida ugu fiican ee lacag looga sameeyo youtube, qormadaan waxaan ku sharaxi doonaa siyaabaha ugu muhiimsan ee abuurayaasha ama content creaters ka ay lacag uga sameyn karaan , iyo kusaabsan lacag sameynta youtube,Iyo sida aad u kordhinkarto dakhliga youtube kaasoo galo.

1. barnaamijka wadaagista dakhliyada ee youtube (youtube partner program-ypp)

Ypp waa barnaamijka rasmiga ah ee youtube loogu talagalay abuurayaasha si ay uga helaan dakhli fiidiyowyadooda si aad ugu biirto ypp waa inaad buuxisaa shuruudo dhowr ah waxaad u baahantahay inaa yeelato 1,000 rukumo (subscribes) ugu yaraaan waxaad ubaahantahay inaad hesho 4,000 saacadood oo daawasho guud ah 12-kii bilood ee ugu danbeeyey ama 10 milyan oo daawasho guud ah shorts –ka 90 kii maalmood ee ugu danbeeyey

Waa inaad leedahay koonto google adsense ah oo firfircoon oo aad ku xidho akoonkaaga youtube.

Marka aad buuxiso shuruudahan waxaad bilaabi kartaa inaad lacag ku hesho xayeysiisyeda lagu daabaco fiidiyowyadaada, xayeysiisayaad waxaa lagu soo bandhikaraa qaybta hore ama qaybta dhexe ama qaybta danbe ee muuqaalada ama xataa sida pop-up-yada

2. suuqgaynta waxyaabaha laxiriira (affiliate marketing) suuqgaynta waxayaabaha laxidhiidha waa habwax ku ool ah oo lagu kasbado dakhli iyadoo la isticmaalayo koodhadh ama isku xirayaa (links) suuqagayn ah.

Waxaad iskaashi lasameynkartaa shirkado bixiya barnaamijyada suuqgeynta ee la xidhiidha, kadibna waxaad soo bandhikartaa alaabo ama adeegyo ku jira muuqaalo marka daawadayaashu isticmaalaan isku xirayaashaada suuqegnta si ay u iibsadaan alaabadaas waxaad heli doontaa komeshinka iib kasta oo la sameeyo,

3. xayaysiinta iyo iskaashiga la sameeyo shirkadaha (brand sponsorships)

Marka kanaalkaagu noqdo mid caan ah waxaad heli kartaa fursado iskaashi iyo xayaysiin shirkado waa weyn oo doonaya inay ku gaadhaan dadweynahaaga, shirkadahaan waxay ku siinkaraan lacag si aad u samayso muuqaalo gaar ah oo kusaabsan alaabtooda ama si aad alaabtooda ugu xayaysiiso muuqaalo waa muhiim inaad lashaqayso sumado ku habboon nich-kaaga ama moduucaaga si aad u ilaaliso kalsoonida iyo daacadnimada daawadayaasha.

4. bixinta waxyaabaha gaar ahaaneed ( youtube memberships & patreon)

Youtube waxaa uu ku  siinayaa habab badan oo aad lacag uga sameyn karto taageerayaashaada

Hababkani waxaa kamid ah

Youtube membership: waxaad abuuri kartaa qorshayaal xubinimo ( memebrship plans) oo taageerayaashaada kuu siinaya waxyaabo gaar ah sida emoji-yada gaarka ah muuqaalo gaar ah ama la sheekaysiga gaarka ah

Patreon: waa madal kale oo aad ku siin karto taageerayaashada habab ay ku taageeraan adiga oo soo bandhigaya waxyaabo gaar ahaa oo lacag ah.

5. iibinta alaabada ( merchandise) haddii aad leedahay sumad adag oo aad leedahay taageerayaal daacad ah, iibinta alaabadaada waa hab kale oo fiican oo lacag lagu sameeyo. Waxaad ku iibin kartaa alaabadaada sida funaanadaha, koobabka alaabo kale oo qaabayn leh kanaalkaaga youtube, iyada oo loo marayo youtube”s merch self ama adigoo isticmaalaya adeegyo kale kabaxsan youtube.

6. super chat iyo super stickers.

Marka aad ku jirto si toos ah ( live stream) youtube, taageerayaashaadu waxay isticmaali karaan super chat iyo super stickers si ay fariimo gaar ah u muujiyaan oo ay ugu caawiyaan inay adiga si toos lacag kuu siiyaan, tani waa hab fiican oo taageerayaashaadu ay si toos ah kuugu taageeri karaan inta aad ku jirto khadka live streamka ah.

Comments