HORUDHACA
Qorshaha waa habka ugu muhiimsan ee lagu gaaro u jeeddooyinka
nolasha laga lee yahay waa jid hagaya waxqabadka si loo xaqiijiyo himilooyinka
shaqsiyeed ama kuwo kooxeed qormadan waxaan ku eegi doonaa tallaabooyinka
muhiimka ah ee la raaco marka qorshe ladajinayo muhiimada ay leedahay iyo sida
loo hirgaliyo qorshaha si wax ku ool ah.
Qaybta koowaad: fahamka qorshaynta
1. Waa maxay qorshe? .
- Qorshe waa hab qorshaysan oo faahfaahsan oo lagu gaarayo
yoolal ama u jeeddooyin cayiman waa hab ku saleysan xog, cilmi baaris, iyo
falanqeyn si loo xaqiijiyo guul.
2. maxay tahay muhiimadda qorsheynta:
- Qorsheynta waxay siisaa hagitaan iyo jihayn waxayna ka
caawisaa in laga fogaado jaahwareer iyo carqalado, waxay ka caawisaa shaqsiyaadka
iyo ururada inay go”aanno sax ah gaaraan iyo in ay leeyihiin aragti cad oo ku
saabsan waxa ay doonayaan in ay gaaraan.
Qaybta labaad: tallaabooyinka qorshaynta.
1. Dejinta u jeeddooyinka:
- Go”aaminta yoolalka waa in ay noqdaan kuwa gaarka ah (
specific ) la cabirikaro ( measurable ) la gaari karo ( acheivable) macno leh (
Relevant ) iyo xilli go”an leh ( time –bound )
Fahamka aragtida guud aragti cad oo guud waxay siinaysaa qorshaha
jihada uu u socdo.
2. Falan qaynta xaaladda hadda:
Qiimaynta awoodaha iyo daciifnimada falanaqaynta SWOT ( strength
, weaknesses Opportunity , Threats ) waxay ka caawisaa in la fahmo meesha uu
qofku ama ururku taagan yahay hadda.
- Raadinta fursadaha iyo caawimaadda ogow ilaha la heli karo
oo ku taageeri kara qorshahaaga.
3. sameynta istaraatiijiyadda:
- Samaynta qorshe
hawleed: diyaarso hawlaha loo baahan yahay in laqabto si loo gaaro yoolkaaga.
- khayraadka iyo xogta : Go”aami khayraadka lagama
maarmaanka u ah iyo sida ay ula jaanqaadi karaan hawlahaaga
4. qorshaha fulinta:
- Dejinta hawlaha iyo mas”uuliyadaha : u qaybi hawlaha
shaqsiyaad ama kooxo iyadoo la raacayo awoodooda khibradooda .
Samaynta jadwal: jadwal cad iyo waqtiyo loogu talagalay
hawlaha kala duwan
5. Hirgelinta qorshaha:
- Bilowga hawlgalka : u dhaqaaq tallaabo tallaabo markaad
raacayso qorshahaaga.
- maareynta isbadelada: u diyaar garoow in aad la qabsato
isbeddelo iyo carqalado oo ku soo food saari kara.
6. Kormeerka iyo Qiimeynta:
- Raadinta Horumarka : si joogto ah u cabbir guusha iyo
horumarka qorshahaaga.
- Dib u habaynta
qorshaha: Haddii loo baahdo samee isbeddelada iyo hagaajinta qorshahaaga si uu
u sii ahaado mid wax ku ool ah.
Qaybta saddexaad: Qorshaynta wax ku oolka ah.
1. Aqoonta iyo tababarka .
- Horumarinta xirfadaha qorshaynta iyo fahamka ku saabsan
sida loo sameeyo qorshe wax ku ool ah.
2. Isku xirka iyo islaashiga:
- samaynta xidhiidhyo iyo iskaashi kala duwan oo kuu
fududeyn kara fulinta qorshahaaga.
3. Ka fogaanshaha caqabadaha:
- fahamka caqabadaha suurtagalka ah iyo dejinta xeelado
lagaga hortago caqabadaha.
4. Dhiirigalinta iyo horumarka:
- horumarinta qaababka lagu dhiirigeliyo shaqsiyaadka ama
kooxaha si loo hubiyo in ay ku jiraan wado sax ah oo ay si firfircoon uga
shaqeeyaan qorshaha.
Hadaba dejinta qorshe
waa tallaabo muhiim ah oo horseedaysa guul iyo horumar.
Waa habka kuu sahla inaad leedahay aragti cad, jadwal
hawleed iyo hufnaan shaqo.
Qorshe wax ku ool ah wuxuu kuu fududeynkaraa inaad gaarto
yoolalkaaga si fudud oo degdeg badan, haddiiba aad si taxadar leh u raacdo
talaabooyinka qorshaynta waxaa hubaal ah inaad heli doonto natiijooyin
wanaagsan oo joogto ah.
Qorsheynta waa furaha guusha, mana aha hawl mar-mar la
sameeyo balse waa nidaam joogto ah oo looga baahan yahay in la helo si loo
hubiyo in guusha la gaari karo markasta.
Comments
Post a Comment