sidee loo noqdaa public speaker?

 


Horumarinta xirfadaha fagaare ka hadaliladdu waa mid muhiim u ah dadka doonaya inay wax ku gudbiyaan si hufan oo saameyn leh haddii aad rabto inaad noqoto khudbadyahan ama si kale haddii aan u dhigno fagaare ka hadale wanaagsan, waxaad u baahantahay inaad raacdo tillaabooyinkaan soo socda.

1. Diyaargarow wanaagsan:

Baro mowduucaaga, si fiican ugu diyaar garow mawduuca aad ka hadli doonto, xaqiiji inaad sifiican u fahanatay oo aad awoodid inaad si cad u sharaxdo.

Cilmi baaris samee, aruurso xogta iyo macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan mawduucaaga, waxaa kale oo wanaagsan inaad raadiso tusaalooyin iyo xigashooyin oo taageeri kara fikradahaaga.

2. Qaabeynta khudbadda:

Kubilow horudhac soo jiidasho leh, kubilwo sheeko halku dhig xiiso leh ama su”aal dareen leh oo soo jiidan karta dareenka dhagaystayaasha.

Jirka khudbadda, soo bandhig fikradahaaga waaweyn, adigoo adeegsanaya tusaalooyin, cadaymo, iyo sharaxaadyo qeexan, kusii kala saar mari fikradaha si ay u lahaato isdaba-joog.

Gabagabo xoog leh, kusoo afjar hadalkaaga adigoo soo koobaya fikradaha waaweyn, bixinaya talo ama wacitaan ficil, ama adeegsanaya hal ku dhig oo xasuus reebi kara.

3. ku dhaqanka habka ku hadalka:

Codkaaga maamul, isticmaal codka hadlida la maqlayo oo kala duwan si aad uga fogaato hal cod oo keliya, ku soo dar khudbadaada sida, xanaaq, farxad, ama hal adayg marka loo baahdo si loo muujiyo dareen.

Joogitaanka jirka ama, jirkaaga u isticmaal si uu u xoojiyo fariintaada isticmaal ishaarada gacmaha si dabiici ah oo ka fogow ficilada khaldan ama jaah wareerka iyo baqdinta ama khalkhalka.

Xiriirka indhaha, ka fogow inaad si joogto ah u eegto warqaddaada ama shaashadda halkii aad indhaha halkii ku hayn lahayd dhagaystayaashada si aad u abuurto xiriir toos ah.

4. Kudhaqanka isticmaalka technologyada:

Power point ama slides, haddii aad isticmaasho slide-yada ha ka buuxin qoraal badan, isticmaal sawirro iyo dulmarro si ay u taageeraan hadalkaaga.

Technologyada kaabida, haddii aad adeegsanayso qalab digital ah sida, microphone, ama qalabka isgaarsiinta, hubi inaad fahantay sida loo isticmaalo.

5. Tababar joogto ah:

Ku dhaqma guryaha, tababar joogto ah samee adigoo ku hadlaya gurigaaga ama saaxiibadaada, fadlan aqbal in lagugu dhaleeceeyo si aad u ogaatid meelaha aad u baahantahay inaad horumariso.

Ka qayb qaado koox ama fasallo, iska diiwaangeli koorsooyin ama kooxo khudbadeyn ah si aad u hesho talooyin iyo kaalmada xirfadlayaasha.

6. Dhiskalsoonida naftaada:

Xasuusnow waayo-aragnida , ha iloobin inaad xasuusato xaaladaha aad hore ugu guuleysatay iyo meelaha aad horumar ka sameysay,

Samee nafisyo sida neefsashada qoto dheer ka hor khudbadda si aad u dejiso maskaxdaada oo aad u yararayso walaaca.

7. Ka soo noqo khaladaadkaaga:

Si fiican ugu fiirso khaladaadkaaga, haddii aad qalad samayso, si degan u sax oo sii wad khudbaddaaada.

Kabaro khibradaha hore, kadib khudbaddaada, falanqee waxa aad sameysay si fiican iyo meelaha aad ka wanaajin karo.

8. Dhageyso dhaliisha dhisidda ah,:

Ka qaado jawaabaha dhagaystayaasha qaado fikradaha iyo jawaabaha dadka kale si ay kaaga caawiso inaad horumariso xirfadahaaga, ku raaxayso safarkaaga inaad noqoto fagaare kahadle fiican, tababarka iyo khibradu waa furaha guusha.

 

   

Comments