sidee loo noqdaa hogaamiye wanaagsan?

 


Hogaamintu waa xirfad muhiim ah oo saameyn weyn ku leh bulshooyinka, ururada iyo dhaqaalaha.

Hogaamiyaha fiican wuxuu lee yahay awoodda ah inuu dadka ku hogaamiyo jihada saxda ah, iyadoo la adeegsanayo xirfadaha iyo dhaqanka ku habboon si loo gaaro guulaha la hiigsanayo, qormadani waxay duluc deeda aan ku lafa guridoonaa tilmaamaha, hab dhaqanka, iyo talooyinka muhiimka ah ee qofka ka caawinaya inuu noqdo hogaamiye fiican.

1. Fahamka aragtida iyo u jeedada:

Hogaamiyaha fiican wuxuu lee yahay aragtid cad oo fogaan arag leh, aragti waxaa loola jeedaa himilooyinka iyo rajada uu qofka hogaamiyaha ah ku salaynayo qorshihiisa iyo talaabooyinka uu qaaday si uu u gaarsiiyo bulshada uu hogaaminayo meel sare.

U jeedadaas cad waxay ka dhigaysaa dadka ku hareeraysan inay fahmansan yihiin halka loo socdo iyo sababta ay tahay inay u shaqeeyaan.

Talo:

-          Samee aragtid cad: qorshe cad oo tilmaamaya u jeedada fog ee ururka ama kooxdaada ka dhig aragtida mid dhiirigalinaysa oo la jaanqaadi karta dhammaan dhinacyada ay khusayso.

2. xirfadaha isgaarsiinta:

Isgaarsiintu waa furaha hogaaminta wanaagsan hogaamiyha fiican, wuxuu awood u lee yahay inuu fikradihiisa iyo himilooyinkiisa si cad oo hufan u gudbiyo waa inuu sidoo kale dhagaystaa aragtiyaha iyo walaacyada dadka kale si uu uga xirmo xubnaha kooxdiisa si qoto dheer

Talo:

-          Baro inaad si cad u hadasho: isgaarsiintu waa inaysa noqon mid wareersan ama mugdi ku jirin, ku hadal af cad oo aan mugdi ku jirin isticmaal tusaalooyin iyo hab-dhaqan sugan si aad u hubiso in fariintaadu ay gaarayso meesha loogu talagalay.

-          Dhagayso si firfircoon: dhagaysiga waa xirfad muhiim ah waa inaad dhagaysataa si aad u fahanto halkii aad uga dhagaysan lahayd si aad uga jawaabto, tani waxay kaa caawinaysaa inaad si dhab ah fahamto baahiyaha iyo aragtida dadka aad hogaamiso.

3. Daacadnimo iyo kalsooni:

Hogaamiyaha fiican waa inuu noqdaa qof u daacad ah dadkiisa oo la isku halayn karo, daacadnimada waxay abuuraysaa kalsoonida, taasoo muhiim u ah xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya hogaamiyaha iyo kooxdiisa.

Talo.

-          Noqo qof daacad ah:  had iyo jeer ku dhaqan qaab aad u furfuran oo dhab ah haddii aad khalad samayso, qiro oo ka shaqee inaad saxdo.

-          Dhiiri- geli kalsoonida: dhisida kalsoonida waa habraac waqti dheer qaadan kara ku kalsoonow dadkaaga oo si joogto ah ugu mahadnaq dadaalkooda iyo kartidooda

4. Qo”aan qaadasho falanqaynta ku salaysan:

Hogaamiyaha fiican wuxuu lee yahay adoow uu ku qaato go”aanno sax ah, iyada oo aan laga waabanin oo ku salaysan xog iyo falanqayn go”aannada wanaagsan waxay horseedaan horumar iyo waxqabad

 Talo:

-          Ururi xogta lagama maarmaanka ah : ka hor intaadan gaadhin go”aan muhiim ah, ururi macluumaad kugu filan oo kala duwan, tani waxay kuu sahlaysaa inaad ogaato dhinacyada kala duwan ee arrinta.

-          Samee falanqayn wanaagsan: xaqiiji inaad falanqayso xogta si dhammaystiran, isticmaal qalabka falanqaynta ee kala duwan si aad u xaqiijiso in go”aanka aad gaarayso uu yahay mid waafaqsan xaaladda jirta.

5. kartida inaad la qabsato xaaladaha cusub:

Dunida casriga ah waxay ku socotaa xawaare aad u sareeya, oo ay ku jiraan isbeddello degdeg ah, hogaamiyaha fiican waa inuu leeyahay awood uu uga jawaabo isbeddelladaas iyo waxyaabaha lama filaanka ah si hufan.

Talo:

-          Baro inaad noqoto qof dabacsan: inaad awood u yeelato inaad laqabsato xaaladaha is beddelaya waxay muhiim u tahay hogaaminta, noqo mid diyaar u ah inuu beddelo qaabkiisa iyo habkiisa marka loo baahdo.

-          Ka faa,iidayso isbeddellada: halkii aad ka cabsan lahayd u arag fursad cusub oo lagu kobcin karo ururkaaga ama kooxdiisa.

6. Kartida maareynta wakhtiga iyo shaqaalaha:

Hogaamiyaha wanaagsan waa inuu awood u leeyahay inuu si hufan u maareeyo wakhtiga iyo kheyraadka uu haysto, tani waxay ka dhigantahay inaad si waafi ah u qorshayso howlaha iyo inaad si caddaalad leh ugu qaybiso shaqada  xubnaha kooxdaada.

Talo:

-          Qorshee si sax ah : samee jadwal shaqo oo si faahfaahsan u qorsheynaya hawlaha muhiimka ah iyo kuwa mudnaanta leh, ka fogow inaad ku mashquusho howlaha yaryar ee aan muhiimka  ahayn

-          Qaybi shaqada si wanaagsan: hubi inaad shaqooyinka u qaybiso sida ugu habboon si qof walba uu u qabto howlaha uu si fiican ugu wanaagsan yahay.

 


Si kastaba ha ahaatee hogaaminta wanaagsan waxay u baahantahay isku darka xirfado, dabeecado iyo inaad noqoto hogaamiye fiican ma ahan hawl fudud balse, waa mid qiimo badan oo saameyn togan leh, haddii aad raacdo talooyinka iyo tilmaamaha kor ku xusan waxaad yeelan doontaa awood kalsooni, iyo fursado aad ku noqonkarto hogaamiye wanaagsan oo ku hoggaamiya dadkaaga guulo waa weyn.

Waxaa muhiim inaad xasuusnaato in hogaamintu ay tahay safar joogto ah oo leh caqabado iyo guulo la xiriira, haka baqin inaad wax ka barato qaladaadkaaga oo had jeer u heelanow inaad ka siifiicnaato sidii aad ahayd markii hore   

Comments