HORUDHACA
Miisaanka jirka oo caafimaad qaba waa arrin aad u muhiim u
ah si loo ilaaliyo caafimaadka guud iyo nolol wanaagsan, dad badan ayaa latacaalaya miisaanka kordha
oo saameeya caafimaadkooda iyo kal soonidooda nafsadeed, inkasta oo ay jiraan
siyaabo badan oo lagu dhimo miisaanka waxaa muhiima ah in loo dhawaado hab
caafimaad leh oo waara, dhanka kale .
Dhimista miisaanka caafimaadka qaba waxay u baahan tahay
qorsheyn iyo dulqaad adigoo raaca talooyinkan iyo cuntooyinka caafimaadka leh,
xasuusnow caafimaadkaaga ayaa ah hantidaada ugu weyn sidaas darteed waxay mudan
tahay inaad ku dadaasho caafimaadkaaga, jireed iyo kaaga maskaxeed.
Qormadaan waxaan ku eegi doonaa siyaabaha ugu waxatarka
badan ee lagu dhimi karo miisaanka cuntada caafimaadka qabta ee loo baahan
yahay iyo talooyin muhiima ah oo kaa caawin kara inaad gaarto hadafkaaga
miisaan dhimista.
Qaybata 1aad
fahamka miisaanka jirka:
Miisaanka jirka wuxuu ku xiran yahay isku dheeli tirka
tamarta, tamarta aad ka hesho cuntada iyo tamarta aad ku bixiso dhaqdhaqaaqaga
maalinlaha ah, marka tamarta aad cunayso ay ka badan tahay mida aad
isticmaalayso, miisaankaaga ayaa kordhaya, marka taa lidkeeda ay dhacdo
miisaankaaga waa uu yaraadaa, waxaa muhiim ah in lafahmo in miisaanka
caafimaadka qabaa uu yahay mid ku habboon dhererkaaga, jirkaaga, iyo heerka
dhaqdhaqaagaa.
Qaybta 2aad cuntooyinka caafimaadka leh:
Si loo dhimo miisaanka si caafimaad leh waxaa muhiim ah in
la doorto cuntooyin caafimaad leh oo nafaqo leh kuwaas waxaa kamid ah.
1.
khudaar iyo miraha: waxay leeyihiin fiitamiino, macdano, iyo fibre badan oo ka
caawiya jirka inuu caafimaad qabo waxay kaloo yareeyaan dareenka gaajada waana
kuwo kalooriyo yar leh.
2. qamadiga
iyo cuntooyinka whole grain: sida bariiska buniga ah baastada whole grain iyo
rootiga whole grain ayaa si tartiib ah u sii daaya tamarta, taas oo ka hortagta
inay si degdeg ah u dhacdo sonkorta dhiiggaaga.
3. protein:
waa muhiim marka la dhimayo miisaanka, sababtoo ah waxay kaa caawisaa inay
ilaaliso murqaha inta lagu jiro habka dhimista miisaanka, protein-ka
caafimaadka leh waxaa laga heli karaa digaaga aan la qalajin, kalluunka, ukunta, lowska, iyo digirta.
4. Dufanka caafimaadka leh : dufanka caafimaadka leh
waxaa laga heli karaa avokada, lowska, iniinta, iyo saliida saytuunka, kuwani
waxay bixiyaan tamar waana muhiim in laga fogaado dufanka aan caafimaadka
lahayn sida margarine-ka iyo cuntooyinka la warshadeeyey.
Qaybta 3aad talooyin muhiim ah oo
kusaabsan dhimista miisaanka jirka:
1. cabida biyo badan: biya cabidda badan waxay caawisaa
in jirku uu u shaqeeyo si saxa waxayna yareeyaan oo meesha ka saaraan dareenka
gaajada, marar badan markaad u maleyneyso inaad gaajaysantahay, dhab ahaantii
jirkaagu wu xuu u baahan yahay biyo.
2. cunista cuntooyin yar-yar oo
joogto ah: waxay ka hortagtaa inaad gaajooto, waxayna kaa caawisaa inaad ka
fogaato cunista xad dhaafka ah ee cuntada hal mar ah.
3. tababarka jirka: tababrka jirka wuxuu muhiim u yahay
dhimista miisaanka iyo ilaalinta caafimaadka guud, isku day inaad sameyso ugu
yaraan 30 daqiiqo oo jimicisi ah maalin kasta ah sida, socodka, dabaasha, iyo
baaskiilka.
4. hurdo kugu filan: hurdo kugu filan waa muhiim sababtoo
ah hurdo la” aanta waxay saameyn kartaa hoormoonadaada waxayna kordhin kartaa rabitaanka
cuntada.
5. ka fogaanshaha cuntooyinka la warshadeeyey:
cuntooyinka la warshadeeyey iyo kuwa sonkorta badan leh waxay kordhiyaan
miisaanka waxayna leeyihiin nafaqo yari.
Qaybta 4aad dhimista miisaanka oo
waara:
Waxaa
muhiim ah in dhimista miisaanka ay noqoto mid waarta oo caafimaad leh, haddii
aad qaadato hab caafimaad oo waara waxaad gaari kartaa miisaankaaga
bartilmaameedka ah waxaadana ilaalin kartaa caafimaad wanaagsan, haku degdegin
natiijooyinka iska ilaali nidaamyada miisaanka degdega ah oo laga yaabo inay
caafimaadkaaga.
Comments
Post a Comment