dhiirigalinta nafta



horudhaca

1=Marnaba Ha Isku Dhiibin Nolasha, Waxaa Laga Yaaba In uu Jawiga Iyo Dareenka Is Badalo Ee Dadaal

 

2=Haku Mashquulin Dadka Kale Waxay Haystaan, Adiga La Imow Dadaal Rabbi Wuu Ku Rumeyn Doonaa Hadafka Ka Leedahay Nolasha

 

3=Qof Haka Sugin In uu kugu Sacab Tumo Guusha Aad Gaartay, Guushada Adiga Ayaa Leh Amaantana Iyaga

 

4=Haka Quusan Inaad Socoto Intaa Awoodo, Waxaa Dhici Doonto Maalin Aad Ordi Doonto In Sha Allaah

 

5=Iska Ilaali Laba Wajiilo Nimada, Maxaa Yeelay Sakiinta Labada Af Leh Waxay Halis u Tahay Naftada

 

6=Waliga Ha Isku Dhiibin Qof Aan Aqoon Qiimaha Ay Naftada Leedahay, Qofna Haka Qaadan Quursiga

 

7=Hal Eray oo Si Geesi Nimo Leh u Tiraahdo Ayaa Laga Yaaba In uu Badalo Mustaqbalka Nolashada oo Dhan

 

8=Ha Is Jacleysiin Dadka, Balse Sameey Howl Ay Dadka kugu Jaclaadan Taasa Ayaa Ku Kheir Badane

 

9=Inkasto Nolasha Wareegto Tahay, Hadana Ku Raaxeyso Waqtiga oo Ilaali Xaduudaha Illaahay

 

10= waligaa haysku dayin inaad bini aadamka baahidaada uga cabato,badalkeeda ilahay usheego

 

11= qofwalba ma fahmi karo aragtidaada kaliya Aamin naftaada

 

12=hadaad barato deeqsinimada iyo cafiska, ogow waxaad baratey siduu Allah kugu naxariisan lahaa.

 

13=Erayga wanaagsani waa furaha quluubta dad adiguna ahow mid lagu xasuusto Erayadiisu cajiibka ahaa ee wax tarka lahaa,hadii hayn iska aamus iyaduba waaa haybad garee.

 

14=Furaha xaaladdah adag oo dhan waa isku dhiibida Allah(SW)

 

15=Guuldarooyinka mahan dhamaadka nolosha,dhamaadka noloshu waa dhimashada kaliya,waligaa adoo nool haquusan.

 

16=Hadii aad raadiso dhamaystirnaan markasta adna  waa dalanaan doontaa

 

17=Hadii lagugu imtixaamey inaadam helin waxkasta oo jeclayd macneheeda mahan

Inaad xuntahay 

 

18=Dadka intey ogyihiin hooseyntaada ma maamusi donaan magacaada, ee adigu qiimahaga ha ilaawin waligaa.


Comments