waa maxay jacayl?

 


Waa maxay jacay?

Waxaan ka hadlaynaa erayga jacayl micnihiisa iyo waa maxay  dareenka uu leeyahay:

Ugu horayntii malahan jacaylku qeexitaan dhaba oo lasku raacsan yahay, dunidaan kala duwanaan shaha dhaqanka, kala duwanan shaha deegaanka iyo kala duwanan shaha dadkuba, waxay saamayn ku leeyihiin qeexitaanka jacaylka.

Tusaale ahaan marka lajoogo culuumta ka sheekaysa arimaha bulshada sigaaray u qeexaan jacaylka, sidoo kale culuumta nafsiyanka ama loo yaqaan cilmi nafsiga sigaaru u qeexaa jiritaanka jacaylka iyo noocyadiisa.

Cilmi walba wuxuu wax ku qeexayaa waa tasaawiraadka uu ka haysto nolosha iyo hab dareenka bini aadamka.

Waxaa kale oo lasku raacsan yahay inuu jacaylku yahay dareen dhaba oo ka soobaxa wadnaha oo qofka bini aadamka ah saamayn wanaagsana kuleh dareenkaas iyo jacaylkaas oo uu  uqaadayo qofkale oo dhigiisaha ah.

Waa maxay jacayl,? Runtii waa su,aal ku soo noq-noqota qofka bani aadamka ah, balse aan isku dayo  inaan ka war bixiyo jawaabtaas , maadaama aan anigu uguda galay mawduucaan adag.

Markaynu dib u raacno dhacdooyinka iyo sooyaalka waayaha taariikheed ee jacaylka, run ahaantii waxaynu odhan karnaa ummadaha adduunka ku dhaqan hadii aynu weydiino , waa maxay jacaylku?

Shaki kuma jiro afkay doonaanba haku hadleene, inay wax inooga sheegi karaan, soomaali ahaan maxaan ku tilmaami karnaa jacaylka? Markase lasoo hadal qaado markiiba maxaa maskaxdeena ku soo dhaca?!!, maxaase lagu gartaa qfokuu asiibo?!!.

Hadaba intaynaan u bixin ka jawaab celinta suaalahan, ninkii iska hadlayaaba ha iska hadlee jacaylku wuu jiraa waxaanan ku sharixi  karaa waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana jacaylku  waa hanasho, waa jamasho, waa hilow waana ruuxay naftu tebayso, hadh iyo habeena ay ku hamido.!!

Run ahaantiina jacaylka dhabta ahi ma gudho mana dhamaado had iyo jeerna qofka wax jeceli sheeg sheegis madaayo ruuxuu jecel yahay , mar arintaasi lays weydiiyeyna waxaa laysla gartay hadal hayntaasi joogtada inuu uga dhawaanayo , wehelna uu kadhiganayo waxaa kaloo la xaqiijiyey inay riyaduna xad dhaaf tahay , waana iska suurowdaa inuu habeenkii ku qarwo.!!!

PHILOSOPH ( waa cilmi saynis la xidhiidha aasaaska jiritaanka dunida iyo fahanka macnaha nolosha )

Dhanka kale diinta islaamku wax yaabo badan ayeey ka iftiimisay jacaylka , diin kastaba ha ahaate iyo af kastaba ha haadaane, jacaylka isku si looma qeexo badanaa.

Midka jacaylku saameeyo wiil iyo gabarba, waxay had iyo jeer kujiraan mowjado feker ah, himiladiisan wuxuu ugu baaqi dhigaa ruuxa uu jeclaa,  waxayna dib u soo celisaa xusauustiisa, waxaana ku abuurma xiisad kalgaceyl oo uu waligiis hilmaami doonin, wiilka & gabadhaas waxay go,aan ku gaaraan ayey fuliyaan iyagoo kalsooni buuxda isku haya isu haya, waxaa ay sameeyaan uu yahay jacaylkooda,  waxay katashadaan aayahooda dambe iyo mustaqbalkooda siduu noqon lahaa.

Hadaba waxaynu fahanay dareenka jacaylka iyo siduu yahay hadaba maleeyahay khasaaro iy faa,iido.

Faa,iido iyo khasaaro wuu leeyahay jacaylku laakiinse waxyeelada ugu daran ee jacaylku keena waxaa weeye marka ugu horaysa aad dareentid inuu ku taabtay talaalkii jacaylka , taas oo micneheeddu tahay xanuun cusub oo kusoo kordha oogada, jirkoo ku jajaba , niyad xumi raashiinkoo ka go,did iyo is daryeel la,aanta jirkaada , waa astaamaha jacaylka  markaad ruux jacayl u qaadid , oo isna uusan kuu ogayn jacaylkaada.!!

Jacaylka noocaas ah waa midka ugu khatarsan intaad naftaada halis galisid amaba dhaawac isu gaysatid, mana ogaan kartid goortaad ficilkaas samaysay ,sababtoo ah damiirkaad oo maqan, dhakhtar ku daawaynkara maleh ,ilaad aad ka heshid kii aad jeclaatay amaba aad codkiisa iyo aragiisa maqashid ama aragtid taasi waa qasaaruhuu leeyahay jacaylku.

Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku kulanaa nolosha, jacaylku isagu nooma baahna ee inagaa u baahan, jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii xaawo iyo aadan, jacaylka kama maarano asagana nagama maarmo jacaylku waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeceshahay oo kugu garab is taaga beerana geed laga waraabiyo labada dhan waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacaylka dadkaasi oo ahaa qoomiyado kala gadisan ama kala duwan, waayo jacaylku mayaqaan da, waqti madaw iyo cadaan, iyo xataa jinsi midna ( waalax dhukan abaar moog)

Dadkaas waxaa kamid ahaa laylo iyo qays cilmi iyo hodan juuliya iyo Romeo Grendiano iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin.

Jacaylka waxaa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana kamid ah dhidid cuqdad fakar xad dhaafa ah boholyaw, iyo is ciil kaambi mar walbo ah masary aadan is ogayn mashquul fara badan qofka oo dhibsada hadalka u hamuum qabida araga qofkaad jeclayd tarsaas magaca qofkaad jeclayd cunada oo kaa xiranta iyo cunaha oo wixii sii maraaba ay noqdaan candhuufta, danaynta qofkaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay iyo in aad jeclaato buugta iygau kawaramaya qisooyinka jacaylka imw.

FG:  qof walba wuxuu jacaylka qeexitaankiisa iyo jiritaankiisaba fahmaa si qoto dheer markuu qof si dhaba u jeclaado kama warami karo arimaha jacaylka xanuunkiisa iyo macaankiisa iyo saamayntiisa labada dhanba, qof aan kusoo dhex dabaalan badwaynta jacaylka ee mararka qaar murugada iyo qalbi jabku hareeyo marna farxada iyo macaanka ruuxda aad wadaagaysaan jacaylkan, xubiga iyo kalgacalkaba.

AFEEF: salaama dhamaan asxaabta quruxda badan ee kuxiran webkeenaana cagadahabshire ee aan ku soo gubino waxa bulshada faa,ido u leh dhanwalaba waan soo faahfaahin doonaa dhamaan qodoba jacaylka iyo siduu u kala baxo,

GABAGABO

Waxaan rajaynayaa inaad wax fiican ka fahantay waxa uu yahay jacaylku salaama

 

 

Comments