Hordhaca
HIV (HUMAN IMMUNODEFICIENCY VIRUS) waa fayras weerar habka
difaaca jirka bini’aadamka, gaar ahaan unugyada CD4 ee muhiimka ah.
Weerarkan wuxuu keenaa in habka difaaca jirku daciifo, taas
oo qofka kadhigaysa mid u nugal cudurada iyo infekshinnada kale, haddii aan la
daawayn HIV-ga wuxuu sababi karaa aids (acquired immunodeficiency syndrome)
waana xaalad halis ah oo nolosha khatar ku ah.
Maxaa keena HIV:
HIV waxaa keena fayras ku faafa dhiiga, iyo dheecaanka galmada iyo caanaha naaska hababka
ugu badan ee uu ku faafo waxaa kamid ah.
1. galmo aan ka hortag lahayn: haddii uu leeyahay qof
qaba HIV, iyadoo aan la isticmaalin kondom ama daawooyinka ka hortaga fayraska
2. la wadaagista cirbado: sida irbadaha daroogada ama
kuwa caafimaadka, qalabka caafimaadka, ee aan la nadiifin kadib isticmaalka qof
qaba HIV.
3. hooyada iyo ilmaha: inta lagu guda jiro uurka,
dhalmada, ama naas nuujinta haddii hooyadu ay qabto xanuunka HIV waxaa uu u gud
bayaa ilmaha yar ee uur jiifka ah.
Dhibaatooyinka HIV:
Hiv wuxuu
keeni karaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo ay kamid yihiin.
1.
infekshanno
fursad raadiyaal ah: sababo laxiriira habka difaaca jirka oo daciifa taasoo
keenaysa infekshanno sida TB, pneumonia , iyo fungal infections.
2. cudurrad fursad raadiyaasha ah: cudurrada sida kansarka , oo ay kamid yihiin kaposi’s
sarcoma, iyo iymphoma.
3. kuleel iyo xanuun joogto ah : tani waxaa sababa u ah
habka difaaca jirka oo aan awoodin inuu si habboon uga hortago cudurrada.
Sida looga hortago HIV:
In kastoo HIV
wali daawo rasmi ah aan loo hayn, waxaa jira tallaabooyin muhiima oo looga
hortagi karo :
1. isticmaal kondomka marka lasamaynayo galmo,
isticmaalka kondomka wuxuu hoos u dhigaa faafitaanka cudurka HIV.
2. dawaada ka hortaga HIV (prep): prep waa daawo qofka
caafimaadka qaba uu qaato si looga hortago inuu qaado HIV, gaar ahaan kuwa
halista u qaadista fayraska.
3. la wadaagista cirbadaha caafimaadka qaba: isticmaalka
cirbadaha cusub iyo nadiif ah iyoka fogaanshaha la wadaagista qalabka
daroogada.
4. tijaabada HIV: si joogto ah isu tijaabi HIV, gaar ahaan haddii aad tahay qof halis u
ah tijaabooyinka waxay kaa caawinayaan inaad si degdeg ah u ogaato xaaladdaada
oo aad bilowdo dawaynta haddii loo baahdo.
5. dawaynta HIV (ART):
qofka qaba HIV waa inuu qaataa daawooyinka ka hortagga fayraska
(antiretroviral therapy-art) si loo yareeyo tirada fayraska jirkiisa ku jira,
taasoo ka caawinaysa inaanu fayrasku faafo dad kale iyo inuu qofka caafimaad
ahaan sii wanaagsanaado.
GABAGABO:
HIV waa
fayras khatar ah oo saameyn weyn ku leh habka difaaca jirka, waxaana muhiima ah
in la qaato tallaabooyin ka hortag ah si looga hortago faafitaanka fayraska,
wacyigalinta, tijaabada joogtada ah iyo isticmaalka hababka ilaalinta ayaa ah
siyaabaha ugu waxtarka badan ee looga hortago cudurkan, waxaan muhiima ah in bulshada laga wacigaliyo muhiimadda ay
leedahay kahortagga iyo dawaynta HIV si
loo yareeyo saamaynta uu leeyahay fayraskani.
Comments
Post a Comment