waa maxay forex?

 


Horudhaca

Suuqa sarifka lacagaha qalaad, oo loo yaqaan forex ama FX, (ereyga forex waxaa laga keenay laba erey oo ah foreing exchange) waa suuq caalami ah oo baaxad weyn oo lagu kala iibsado lacagaha qalaad.

Waxaa loo aqoon saday suuqa maaliyadeeda ee ugu weyn dunida iyada oo qiyaasta ganacsiga maalinlaha ah uu kor u dhaafo $6 trillion dollors, ganacsiga sarifka caalamiga ah waxaa ku lug leh ka qayb galayaasha aduunka oo dhan oo ay ku jiraan bangiyada, haayadaha maaliyeeda , shirkadaha, dawladaha, iyo ganacsata gaarka ah, qormadaan waxaan si qoto dheer uga hadli doonaa waxa ay tahay forex, cida maamusha, iyo waliba qaabka aad ku baran lahayad .

Dulucada iyo taariikhda forex:

Fikradda ganacsigu lacagtu waxay soo bilaabatay waqtiyo hore oo ay ganacsatadu ku beddasho badeecadaha iyo lacagaha gobollada, si kastaba ha ahaatee, suuqa forex ee casriga ah sida aynu ognahay bilaabmay kadib markii uu bur-buray heshiiskii heshiiskii bretton woods ee 1971 heshiis kaani wuxuu aasaasay qiimaha sarifka go,an , kadib dagaalkii labaad ee adduunka, laakiin kala diridiisu waxay keentay, qaadashada sarifka sabbeynaya, u ogolaanaya  lacagaha inay is badalaan iyada oo lagu salaynayo sahayda iyo baahida, markaas taagnayd.

Qaab dhismeedka suuqa forex:

si ka duwan sarifka saamiyada, suuqa forex malaha meel dhexe ama xarun, taa badalkeeda waxay u shaqaysaa sidii suuqa-gacan ka iibsiga (OTC) taasoo la micno ah in ganacsiyada si toos ah looga dhex sameeyo ka qayb galayaasha iyagoo isticmaalaya shabakadaha electroonigga ah iyo telephonada, suuqa forex wuxuu furan yahay 24 saacadood maalintii shan maalmood usbuucii, taasi oo u ogolaanaysa in si joogto ah looga ganacsado aagagga waqtiyada kala duwan

xarumaha waaweyn ee sarifka caalamiga ah

xarumaha ganacsiga forex ee muhiimka ah, waxaa kamid ah London, .New york, Tokyo, iyo Sydney,mid kasta oo kamid ah magaalooyinkan ayaa door muhiima ka cayaara ilaalinta qulqulka suuqa iyo hubinta hawlaha fudud, maalinta ganacsigu waxay ka bilaabataa Sdney, waxay u guurtaa Tokyo, kadibna London, iyo ugu danbayntii New york, iyada oo abuuaysa wareega is dulsaaran oo suuqa kadhiga mid firifrcoon.

Ka qayb galayaasha muhiimka ah:

1. commercial bankig

2. Central banking

3.  corporation

4. invesmen funds

5. Retail traders

Lamaanaha lacagaha:

Lacagaha ugu waaweyn ee suuqa forex ee lakala iibsado waxaa kamid ah

. doolarka maraykanka

. doolarka canada

. doolarka ustralia

. pound british

. japens

. china

 

 

 

Comments