SAYID MAXAMED CABDULLE XASAN wuxuu ku dhashay dhulka loo
yaqaan ciid-nugaaleed ama laaso oo ah degmada buuhoodle, gaar ahaan baliga
layiraahdo sacmodeeqo, oo magaaladda buuhoodle todobo mayl u jira kana xiga
dhinaca waqooyi wuxuu dhashay gu,ga labaxay gobaysane waxaa la sheegaa inuu
ahaa gu”barwaaqo ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen. Wuxuu
dhashay sanadku markuu ahaa 7 april 1856 hooyada dhashay sayid maxamed waxaa la
oran jiray magaceeda timiro seed magan taasi oo markii danbe caan ku noqotay
(carro seed) halka aabaha dhalayna la oran jiray cabdulle xasan sheikh.
Sayid maxamed cabdulle xasan wuxuu ahaa halyeey soomaaliyeed
oo loo yaqaan inuu ahaa hogaamiyihii kacdoonka daraawiishta ee ka dhanka ahaa
gumaystihii reer yurub ee bariga africa halgankiisa oo socday intii u dhaxaysay
1895-1920 wuxuu ahaa mid uu u ga golahaa xornimada iyo madax banaanida ummda
soomaaliyeed qormadaan ama dhiganahaan waxaan diirada ku saari doonaa halgankii
sayid maxamed bilow ilaa dhamaad.
Bilowgii halganka:
Halgankii sayid maxamed cabdulle xasan wuxuu bilowday kadib
markii uu kusoo laabtay soomaaliya 1895 –tii isaga oo ka yimi wadanka
sucuudiga, markii uu ka soo dagay dakadda magaala xeebada ber-bera wuxuu arkay
sida gumaystihii ingiriisku ugumaysto bulshadiisa, wuxuuna bilaabay inuu dadka
ku baraarujiyo inay ka hortagaan oo ka dhiidhiyaan gumaystaha, sanadku markuu
ahaa 1899 wuxuu sameeeyey dhaqdhaqaaq loo yaqaanay daraawiish, oo ahaa urur
islaami ah oo u halgamayay difaaca iyo xornimada dadka soomaaliyeed.
Halgankii daraawiishta:
Daraawiishta oo uu hogaaminayey
sayid maxamed cabdulle xasan waxay laga leen dagaalo dhowr ah gumaystayaashii
ingiriiska talyaaniga iyo itoobiya, daraawiishtu waxay ku guulaysteen inay
xoreeyaan dhul balaaran oo kamida ah dhul weynaha soomalia iyagoo qaab hubaysan
kula dagaalamayay gumaystihii reer yurub, dagaalada ugu caansanaa waxaa kamid
ahaa dagaalkii jidbaale, iyo kan dul madoba kuwaasi oo ay ku jabiyeen
ciidamadii engiriiska.
Afkaarta iyo hadafka sayidka:
Sayid maxamed cabdulle xasan
wuxuu ahaa nin leh afkaar qoto dheer oo kusaabsan madax-banaanida, diinta iyo
midnimada soomaaliyeed.
Wuxuu aaminsanaa in dadka
soomaaliyeed ay leeyihiin hal dhaqan, hal diin, iyo hal luuqad iyo waliba hal
qaran ama dawlada ama dad isku mida loona baahan yahay inay istaageeraan si ay
uga xoroobaan cadowgooda gumaystaha.
Waxaa kale oo xusid mudan in
sayidku gabayadiisa iyo geeraradiisa kuwaasi oo ahaa kuwo aad u qiimo badan intoobadan , uu ku dhiirigalin jiray dadkiisa inay
halgamaan oo aysan waligood niyad jabin iska dulqaadaan heeryada gumaystaha.
Guntii iyo gabagabadii dhiganaha:
Sayid maxamed cabdulle xasan
wuxuu ahaa halyey soomaaliyeed oo u soo halgamay xornimada iyo madax-banaanida
ummada soomaaliyeed . taariikhdiisu waxay leedahay casharro badan oo kusaabsan
qiimaha midnimda , dhiirigalinta, iyo sida loo wajoho cadawga dadka
soomaaliyeed ee maanta nool waa inay xasuusutaan oo qadariyaan halgankii iyo
dadaalkii uu sayid maxamed cabdulle xasan ku bixiyey xoriyadda iyo sharafta
qarankiisa.
Comments
Post a Comment