HORUDHACA
Ardaynimadu waa fadli uu ilaahay ku galadaysto qayb kamida
ah adoomihiisa, halka kuwa kale aysan helin nasiibka ah inay waxbartaan duruufo
haysta owgeed sida, faqri, dagaalo dabo dheeraaday, cid waxbarta oo aysan
helin,iwm,Hadaba qofkii nasiibkaas hela waa inuu dareensanyahay in nimco
dheeraad ah uu haysto ilaahayna uu ka doortay dadka intiisa kale.
Halkaan waxaan kugulawadaagi doonaa tilmaamaha ardayga
guulaystay,laakiin waxaa looga baahan yahay arday kasta oo soomaaliyeed inuu
weeleeyo, oo waxku qaato tilmaamahan hoos kuxusan insha ALLAAH.
TILMAAMAHA
ARDAYGA GUULAYTA:
1.Daacadnimo{ikhlaas}
waa arday wax u baranaya inuu naftiisa kasaaro mugdiga iyo jahliga gaadhsiiyana
iftiinka cilmiga rajaynaya inuu aakhiro kubadbaado cilmiga ALLE baray jananada
ku galo.
Intaas kabacdina doonaya inuu ku anfaco cilmiga uu baranayo
dadkiisa iyo dhamaan muslimiinta.
Barashada cilmiguna kama ah inuu gaadho dadka amaantooda iyo
in uu ku faano dadkana isugu kibriyo qofka saas wax u bartaana kuma liibaano,
cilmigiisuna waxtar mayeesho.
2.
waa arday waqtigiisa qorsheeya oo dareensan qiimaha uu wakhtigu leeyahay jadwal
u sameeya noloshiisa iyo hadafkiisa waxbarasho, is waydiiya bishaan maxaad
gaadhay?, lixdaan bilood maxaad qabatay?, sanadkii tagay maxaa kuu kordhay?.
Waqtigu waa wax qaali ah waana lafdhabarta nolosha, aduunka
dadka meel gaaray oo dhami waa dadkii waqtigooda ka faa,iidaystay dadka hadhay
ee aan waxba kaqabsan adduunkana waa dadkii dayacay waqtigooda.
Xasuusin
tilmaamaha ardayga guulaystay si kooban:
1. Daacadnimo
2. Waqti ka faa,iidaysasho
3. Macalin ixtiraam
4. ALLE ka cabsi
5. Macaasi ka fagow
6. Macalin la saaxiib
7. Sabir iyo dulqaad
8. Wax akhrin
9. Hansare
10. Dadaal
11. Talo qaadasho
12. Daa,ima waxbarashada.
13. Boosaska hore fariista
14. Firfircoon
15. Bulshada ixtiraama
16. Nadaafad badi
17. Waalidka baari u ah
18. Cilmiga aan uga tagin xishood iyo kibir
19. Xifdiya cilmiga
20.
Faafiya cilmiga
21.
Ducaysi
22.
Aan goyn madarsada ama schoolka
Waxyaalaha kugu
kaalmaynkara inaad ka faa,iiadasato waqtigaaga:
1. ALLE oo lagu xirnaado lana raali galiyo.
2.
Ahniyada
waqtiga oo ladareen sanaado.
3.
In mar
walba lasamaysto jadwal kuu qorshaynaya waqtigaaga iyo wax yaalaha aad
qabanaysid.
4.
Cuntada oo
aan labadsan cuntada badan waxay keentaa hurdo iyo caajis.
5.
Saaxiibo fiican
oo lasamaysto kuuna noqda kuwo aad hiigsato, kua dayato dadaalkooda iyo
aqoontooda
Waxyaala waqtiga ka dayaca ardayga:
6.
inaadan dareensanayn ahmiyada waqtiga iyo fadliga uu
leeyahay.
7.
Hawada naftaada oo aad raacdo, naftuna waxay
jeceshahay raaxada iyo inaadan mashquulin.
8.
Inaad wax aad hadda qaban lahayd aad dib u dhigto oo
aad dhahdo berri ayaan qabanayaa ama bisha danbe iwm.
9.
Inaad leedahay saaxiibo xun-xun oo waqtiga kaalumiya
aadna kala sheekaysato waxa aan waxba kuu tadarin.
10.
Caajiska iyo inaad kawahsato akhrinta cilmiga iyo
xifdintiisaba.
11.
Internetka oo lagu mashquulo gaar ahaan facebook,
tiktok,whatsapp, youtube iwm, waana wax yaalaha ugu badan ee waqtiga kalumiya
da,yarta haatan joogta
12. Dhagaysiga wax yaalo aan banaanay ama aan faa,iido lahayn sida, heesaha, nashiidooyinka iwm, hadaba arday iska ilaali waxyaalahaassi, aad hadafkaaga ugaadho cilmigana heer uga gaadhid
Comments
Post a Comment