sidee loo horumariyaa xasuusta maskaxda?

 


HORUDHACA

Waxaa xaqiiqo ah, hagaajinta xasuusta maskaxdaayaa lagama maarmaan u ah  kor u qaadida shaqada garashada, iyo guud ahaan fiyoobida, iyo bad qabka,maskaxda.

Waa kuwaan xeelado ay cilmi baaristu taageerto si kor loogu qaado xasuusta maskaxda

Halkaan waxaan kugula wadaagayaa dhowr xeeladood oo haddii aad dhab ahaantii aad dhaqangalisid aad kaaga caawinaya xasuusta maskaxda.

1. iska ilaali inaad isku buuqdo: iyadoo mararka qaar u muuqankadha islahadka qofka mid saxan hadana, culumadda ku takhasusay culuumta maskaxda, waxaya ka dayriyeen isku buuqa ama isla hadalka, warwarka iyo wixii,lamida, maxaa yeelay waxaa uu dhaawac weyn ugaysankaraa caafimaadka, iyo badqabka maskaxda bini”aadamka

2. tababarka maskaxda iyo jimicsiga: baar jimicsiyda maskaxda kuwaasi oo lagu talagalay in kor loogu qaado xasuusta maskaxda, dhanka kale markaynu ka eegno, jimicsiga jirdhisku, jimicsiga joogtada ah ayaa si toosa u saameeya caafimaadka maskaxda, hadaba ku dadaal jimicsiga si looga hortago xanuunada saameeya xasuusta maskaxda bini”aadamka

3. yarayso qaadashada sonkorta:isticmaalka sonkor xadigeedu sareeyo waxay si xun u saamaysaa xasuusta maskaxda, ka fogow cuntooyinka kalooriyada sare leh, dooro cunto nafaqo dheelitiran leh si aad kor ugu qaado xasuusta, iyo garashada maskaxdaada.

4:.seexo hurdo kugu filan: hurdo tayo leh ayaa muhiim u ah xoojinta xasuusta maskaxda, u jeedo waa in aad seexataa 7-8 saacadood hamaynk kasta, taasi waxay qayb muhiima ka qaadanaysaa wanaajinta xasuustaada maskaxda.

5. akhrinta quraanka: waxaa biyo kama dhibcaan ah in akhrinta kalaamka eebe uu daawo u yahay xanuunkasta kaasi oo haleela qofka bini”aadamka ah waxaana uu yahay arinka cajiibka in uu quraanku qayb mug iyo miisaan leh kaqaato wanaajinta xasuusta maskaxda bini”aadamka, hadaba waxaa lagama maarmaan ah in qofkasta oo inaga mid ah uu ku dadaal akhrinta kalaamka eebe.

6.cunto caafimaad qabta: isticmaalka cuntooyinka maskaxda xoojisa sida miraha khudaarta iyo brotiina qaar kood waxaa ay kadhigayaan maskaxda mid xasuusteedu ay aad u sarayso, waxaa kale oo iyana aan meesha ka maqnyn feetamiinda sida omega3 fatte acids{ kaasi oo laga helo kalluunka walnuts iyo flaxseeds} waxay taageeraan xasuusta maskaxda

 

 

 

Comments