sidee loo horumariyaa ganacsiyada yar-yar?

 

Horudhaca

Harumarinta ganacsiyada yar-yar waa geedi socod u baahan qorshayn sax ah adeegsiga teknolojiyada, tabarabar joogto ah, iskaashi iyo daryeelka macaamiisha, marka xeeladahaas la isticmaalo, ganacsiyada yar-yar waxay heli karaan kobac iyo guulo waara, ganacsiyada yar-yar ee guulaysta waa kuwo ka jawaaba baahiyaha suuqa, qaata teknolojiyada cusub, iyo kuwa ka faa’iidaysta iskaashiga aqoonta ganacsiga bulshada, dhanka kale haddii aynu ka fiirino.

Ganacsiyada yar-yar waa laf-dhabarta dhaqaale ee wadana badankood, waxay abuuraan shaqooyin, dhiirigaliyaan, hal-abuurka iyo kobcinta bulshada horumarinta ganacsiyada yar-yar waa muhiim si loo gaadho horumar dhaqaale oo waara, qoraalkaan waxaa uu iftiiminayaa xeeladaha iyo fursadaha lagu horumarin karo ganacsiyada yar-yar.

1. qorshaynta istaraatiijiga ah:

Qorshaynta istaraatiijiga ah waa talaabada ugu horaysa ee horumarinta ganacsiyada yar-yar qorshe wanaagsan wuxuu kaa caawiyaa ganacsiyada inay caddeeyaan hadafkooda, qiimeeyaan suuqa, iyo inay horumariyaan xeelado ay ku gaadhaan yoolalkooda, qorshaynta waxaa kamid ah.

= qiimeynta suuqa: fahamka baahida suuqa iyo macaamiisha ayaa muhiim ah, tani waxay ka caawinaysaa ganacsiyada inay soo saaraan alaabooyin iyo adeegyo daboolaya, baahiyaha suuqayada bartilmaameedka ah.

= qorshaha maaliyadeed: maareynta lacagta waa furaha guusha waxaa muhiim ah in ganacsiyada yar-yar ay sameeyaan miisaaniyad sax ah iyo in ay raadiyaan ilaha maalgalinta.

2. isticmaalka technologyda:

  teknolojiyada casriga ah ayaa si weyn u badashay qaabka ganacsiyada loo sameeyo, ganacsiyada yar-yar waxay ka faa’iidaysan karaan teknolojiyada si ay u horumariyaan wax qabad kooda ganacsi.

= online marketing: suuq gaynta internet ka sida baraha bulshada, email marketing, iyo seo waxay kaa caawinayaan ganacsiyada inay gaadhaan dad badan oo cusub.

= E-comerce: abuurista dukaamada online-ka ah waxay kordhisaa fursadaha iibka waxayna fududaysaa inay macaamiishu helaan alaabooyinka.

3. tababar iyo aqoon koororsi: 

tababarka iyo aqoonta waa lagama maarmaan si loo hubiyo in shaqaalaha iyo milkiilayaasha ganacsiyada yar-yar ay leeyihiin xirfadaha lagama maarmaanka u ah horumarinta ganacsigooda, tababarada iyo siminaaradu waxay ku saabsanaan karaan.

= maareynta ganacsiga: tababar ku saabsan sida loo maareeyo ganacsiga loo sameeyo qorshe hawleed, loona maareeyo shaqaalaha.

= teknolajiyada: barashada isticmaalka aaladaha teknolajiyada iyo softweerda ganacsiga sida, software ka xisaabaadka iyo CRM (CUSMOR RELATIONSHIP MANAGEMENT)

4. shabakadaha iyo iskaashiga: 

iskaashiga iyo dhisida shabakado adag ayaa muhiim u ah ganacsiyada yar-yar iskaashiga iyo shabakadaha ganacsi waxay keeni karaan fursado cusub sida.

= iskaashiga ganacsi :ganacsiyada yar-yar waxay iskaashi la sameyn karaan ganacsiyada kale si ay u helaan agabyo raqiis ah ama si wadajir ah uga qayb qaataan suuq-gaynta,

= shabakadaha bulshada: ka qaybgalka ururada ganacsiga iyo rugaha ganacsiga waxay siin kartaa ganacsiyada yar-yar fursado ay ku helaan talooyin, taageero, iyo macaamiil cusub.

5. maamulida tayada iyo macaamiisha: 

maamulida tayada iyo alaabooyinka iyo adeegyada iyo daryeelka macaamiisha waa muhiim si loo helo sumcad wanaagsan iyo macaamiil daacad ah, ganacsiyada yar-yar waa inay xooga saaraan.

=  tayada: hubinta in alaabooyinka iyo adeegyada ay yihiin kuwo tayo leh oo buuxiya baahida macaamiisha.

= macaamiisha: la socodka jawaab celinta macaamiisha iyo hagaajinta adeegyada ku salaysan talooyinkooda.

 

Comments