Hadiiba aan ka soo hadalney furayaasha lagu gali karo
qalbiga gabadha iyo sida jacayl loogu abuuro hadaba aan isla eegno dhowr
qodob oo ay gabadhu kugu nici karto isla markaasna hadii ay kugu aragto kaa
tagi karto
Shan Dabeecadood Oo Ay Gabadhu Ninka Ku Nici Karto!
Dabeecad ahaan ninka iyo gabadha mid kastaa waxa uu jecel
yahay in ruuxa uu nolosha uu yeesho dhammaan tilmaamaha qof bani’aadam ah lagu
ammaani karo, iyo wax kasta oo wanaagsan oo xidhiidhkooda guur waarin kara, in
kasta oo ay hubaal tahay in sawirka uu qofku niyadda ku hayo guurka hortii ee
uu jecel yahay in mataankiisu u ekaadaa inta badan u dhow yahay mid aan
suurtogal ahayn aakhirkana uu ku qasbanaado in uu aqbalo ceebaha ruuxan nolosha
la wadaagaya, laakiin haddana waxaa weli jira sifooyin dhowr ah oo ay dumarka
badankoodu ka siman yihiin nacaybka ay u qabaan, kuna ducaystaan in aanu yeelan
ninka ay nolosha la wadaagayaan.
Tilmaamahaas kuwooda ugu muhiimsan oo shan ah ayaa maanta
usoo gudbinaynaa akhristayaasha sharafta mudan, waxa aanay kala yihiin:
Bakhaylnimada:
Bakhaylnimadu waa laba nooc, mid la taaban karo iyo mid aan
la taaban karin, ta la taaban karaa waa ninka oo lacagta iyo dhaqaalaha uu
nolosha iyo badhaadhaha qoyskiisa ku bixinayaa ay aad uga yar yihiin inta ku
filan, xilli uu isaguna hayo dhaqaale intaas uu bixinayo aad uga badan,
bakhaylnimada labaadna waa ninka oo xaaskiisa kala bahkhayla shucuurta kalgacal
iyo ereyada jacaylka iyo naxariista muujinaya, labadan arrimoodba waxa ay gabadha
ku keenaan niyad jab iyo in ay nacdo ninka iyo xataa nolosha qoysnimada.
Cadhada Badan:
Dabeecad ahaan gabadhu waxa ay inta badan dulqaad u yeelataa
mawqifyo badan oo qallafsan oo ay ninka kala kulanto, laakiin waa inta uu
isaguna yahay ruux marka aanu cadhaysnayn dabiici ah, la fahmi karo,
qaladaadkiisii xilliga cadhadana si toos ah ama dadban u sixi kara.
Caadi ahaan waxaa la og yahay in cadhadu sideedaba ay ninka
indho tirto oo ay ka qaaddo garowshiyaha iyo in uu xaqiiqada dul istaago, waxa
ay ku keentaa in uu qaato go’aamo aanu ka fikirin iyo in uu cadaaladda ka
fogaado, sidaa awgeed cadhada badani waxa ay dishaa qalbiga gabadha waxa aanay
horseeddaa burburka qoyska, kadib marka aakhirka uu dulqaadku gabadha ka
dhammaado.
Ceebaha kale ee ay cadhadu sideedaba leedahay waxaa ka mid
ah in dad kale ay fursad u siiso in ay soo dhex galaan nolosha qoyska, oo marka
ay is fahmi waayaan khilaafkooda iyo murankooduna dibadda u soo baxo ay ku
marmarsoodaan in ay dhexdhexaadinayaan. Laakiin waxaa la og yahay in soo dhex
galka gacantaa saddexaad ay bilowba u tahay khilaaf dhab ah oo aan dhayal u
bogsan.
Canaadnimada (Madax adayga):
Ma jiro rayi kama dambays ah oo aan dabadii la hadlin, mana
jiro qof ku andacoon kara in aragtidiisu ay tahay tii ugu saxnayd marka loo
eego kuwa ka soo horjeeda, sidaa awgeed mar kasta waxa ay quruxda wada
noolaanshiyaha iyo is-fahamku ku jiraan in la is dhegeysto, rayiga kala duwan
la tixgeliyo, qofkuna inta aanu rayigiisa ku go’aan qaadan uu dhegeysto fikirka
ka soo horjeedo, intaas wixii ak soo hadhaa waa madax adayg iyo canaadnimo
waana cudur dadka kala fogeeya, marka ay lammaanaha isqaba noqotana
canaadnimadu waa cadow qoyskooda si sahal ah u burburin kara, waayo midkoodna
kan kale kuma wadi karo in badan, caadi ahaanna waxaa la og yahay in marka ay
qoyska dhexdiisa noqoto ay canaadnimadu ku badan tahay ninka.
Quruxda oo la danayn waayo:
Gabadhu dabeecad ahaan waxa ay u dhalatay qurux jacaylka,
waxaana ku beeran ruux ah in ay mar kasta muuqaalkeeda duleed qurxiso, labbiskeeduna
xarrago ahaado. Baadhitaanno dhinaca bulashada ah oo la sameeyey ayaa
xaqiijiyey in gabadhu aanay quruxdaas nafteeda oo keliya la jeclayn, balse ay
sidoo kale la jeceshay ninkeeda, oo ay ka hesho in uu noqdo mid xarago badan,
muuqaalkiisa duleedka qurux badan yahay, haddii kale waxa ay karahiyeysataa in
ay raacdo nin aan dan ka lahayn quruxda naftiisa, ugu yaraan culays iyo dhib
ayaa ay dareentaa in ay lagu ag arko.
Shakiga:
Hinaasuhu waa shucuur aadamenimo, oo ay suurtogal tahay in
loo helo marmarsiiyo iyo cudur daar loogu dul qaadan karo, waxaabay dadka qaar
u yaqaannaan in uu yahay lexe-jeclo ruuxa ka gashay ruuxan kale, oo jacayl uu
muujinayo, laakiin waxa ay dad badani ku qaldaan shakiga oo ah in ruuxu uu
tuhmo in ruuxan ay qoyska wada leeyihiin xidhiidho kale oo xaaraan ah ku lug
leeyahay. Ninka shakiga badani nolosha gabadha cadaab ayaa uu u beddelaa, waxa
uu kula xisaabtamaa wax uu arkayo iyo wax aanu arkaynba, wax uu garanayo iyo
wax aanu garanaynba. Haddii ay gabadhu bilowga hore ee qoyska ninkeeda ugu
adkaysato shakiga, waa uu jacaylka oo weli xooggan iyo dulqaad dumarka lagu
yaqaanno bilowga hore ee dhismaha qoyska iyo iyada oo jecel in ay badbaadiso
jacaylka, nolosha qoysnimada iyo mustaqbalka ubadkeeda, laakiin in badan
dulqaadkaasi ma sii socdo, aakhirkana waxa ay gaadhaa in ay nafaheeda uga baqdo
ninka, oo ay qaadato go’aan kala fogaanshiyo ah.
Ninku waa in uu marka hore naftiisak u kalsoonaado oo uu
xaqiijiyo in uu awood u leeyahay in xaaskiiga kaga filnaado baahida nin kale, dhinac
kasta. Haddii aanu taas hubin waxba yaanu shakiyin ee marka horeba ha ka fikiro
in uu naftiisa gal-dalooladeedaas soo buuxiyo haddii kale uu gabadha fasaxo.
Sidaa awgeed dawada ugu fiican ee shakigu waa in ninku uu marka hore dib isugu
noqdo oo uu kalsoonida naftiisa uu ku qabo qiimeeyo
Comments
Post a Comment