Horudhaca
Nafaqa_xumadu waa xaalad kadhalata
isku dheeli tir naan la”aanta u dhaxaysa nafaqooyinka uu jidhkaagu u baahan
yahay iyo nafaqooyinka uu dhab ahaantii helo, nafaqa xumadu waxay dhacdaa marka
nafaqooyinka jidhkaagu helo ay ku fashilmaan in ay buuxiyaan baahiyahooda aasaasiga
ah .
Waa xanuun halis kaasi oo kudhaca
cidkasta oo u nugul xanuunada iyo niyad jabka, waxaa uu bartilmaameedsadaa
caruurta yar yar kuwaasi oo ay da” doodu ka hoosayso 15 sano,cilmi baaris ay
samaysay hay”ada caafimaadka aduunka ayaa waxaa lagu xaqiijiyey in caruurta
africa kunool 25% ay la il daran yihiin xanuunka nafaqa darada, halkaan waxaan
kugulawadaagayaa calaamadaha nafaqo xumada, caalamadaha nafaqo xumadu weykala
duwanaankaraan, iyada oo loo eegayo qofka da”diisa qof yar ama qof weyn, hadaba
kuwaani waa kuwa ugu caansan
Calaamadaha jirka ee nafaqarada:
1. miisaanka oo luma”
miisaanka sida degdega ama tartiib tartiiba ah uluma” gaar ahaan caruurta waxaa
muujinayaa nafaqo daro aad u hoosaysa.
2. daal iyo
daciifnimo jjogto ah, shaqsiyaadka nafaqo darada la”liita inta badan waxay
lakulmaan. daal iyo daciifnimo joogto ahtaasi oo ay ugu wacantahay tamarta iyo
nafaqada oo ku yar qofka jirkiisa.
3. kobac la”aanta
jirka qofka ay haysi nafaqo daradu waxay hoos u dhigtaa korniinka jirkiisa iyo
maskaxdiisaba aad buuna ugu nugul yahay qaadista xanuunada kala duwan.
4. shaqada difaaca oo
daciifta: nafaqao xumadu waxay daciifisaa habka difaaca jirka , waxay kordhisaa
caabuqayda, ama boogaha, iyo nuglaanta xanuunada kudhaca habdhiska difacaa
jirka.
5. shaqada garashada
oo liidata: nafaqadaradu waxay wax u dhimikartaa, shaqada garashada maskaxda, sida xasuusta,
hurdada, iyo xooga saarida hawlaha guud.
6. timaha iyo cidiyaha
oo daata: dadka la”ildaran nafaqa darada waxaa laga yaabaa in jirkooda lagu
arko timaha iyo cidiyaha oo daadanaya qofka taasi oo ay sabab u tahay
nafaqadarada og geed.
7. dhibaatooyin xaga
dheefshiidka ah: nafaqadarada waxaa kadhalankara dhibaatooyin dheefshiid sida,
calool -istaaga, shubanka, iyo qofka oo xumad saa”id ah dareema waxaa u sababa
nafaqadarada.
Cuntooyinka lacuno si looga hortago
nafaqarada:
Miraha, khudaarta, karbohaydraytyada,
wax yaabah caanaha laga sameeyo, hilibka, kalluunka, ukunta, iyo lawska,
hilibka digaaga sida chickkan iyo iwm, wax yaabaha siyaadiya broteinska sida,
magnesiumta iyo, calcium.
Comments
Post a Comment